U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti: Waa Muhiim Ilaalinta Madaxbannaanida Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiisadda kasoo cusbaanaatay badda cas ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland ay la gaartay dowladdaas, kaas oo lagu sheegay in 20KM oo badda ah la siiyay Itoobiya oo caro dhalisay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu xusay in muhiim ay tahay ilaalinta madaxbannaanida dhuleed ee dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD, waxaana dhinacyada loogu baaqay dajinyaan xiisadda ka taagan gobolka, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya isku dhaceen.


“Dowladda Jabauuti oo ah gudoonka wareegga ee IGAD waxa ay xaqiijinaysaa sida ay si qoto dheer u garab-taagantahay ilaaalinta madaxabanaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, sida ay qabaan xeerarka IGAD iyo Midawga Afrika”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.


Hadalka kasoo baxay Jabuuti ayaa kusoo aadaya xilli dowladaha caalamka ay siyaabo kale duwan uga hadleen, sida Jabuuti uga hadashay arrintaan ayaa ka duwan sidii ay filayeen dadka Soomaaliyeed maadaama dowladda Jabuuti ay dadkeedu yihiin dad isir iyo dhaqan ay wadaagaan Soomaaliya.