U bood dhigaalka

Muqdisho: Kumannaan Shacab ah Ka Careysan Damaca Itoobiya oo dhigay Dibadbaxyo iyo Madax Ka Qeybgashay

Kumannaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta Waxaa dibadbax weyn ka dhigay jidadka Muqdisho iyaga oo isugu uruuray Taallada Daljirka-daahsoon iyo Isgoyska KM4, waxaana ay muujinayaan shucuurtooda ku aadan diidmada damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya iyo heshiiskii 1-da bisha ka dhacay magaalada Addis Ababa ee u dhaxeeyay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

Dibadbax waxaa kala qeybgalay oo ka hadlay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda federalka, waxaana dhammaan ay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin shacabka.

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo caasimadda Muqdisho iyaga oo sitay boorar ay ku qofan yihiin: Baddeenna Beec ma aha, Taako Baddeenna, Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna, Kama Gorgortameyno iyo Taako dhulkeenna.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed ayaa shacabka kala qaybgalay Dibadbaxa, iyaga oo ku bogaadiyay sida Waddaniyadda.

Shacabka ayaa muujiyay sida ay ugu taagan yihiin faacayaan dhul badeedka Soomaaliyeed, una diidan yihiin damaca guracan ee Itoobiya, waxaana uu ahaa dibadbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo damaca guran ee dowladda Itoobiya, waxaana sidoo kale hore dibaxyo ugu dhaceen gobollada Waqooyi.