U bood dhigaalka

ICJ oo Dhageysanaysa Dacwad ay Koonfur Afrika ku Eedeyneysay Israel Xasuuq ay Ka geysatay Gaza

Waxaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaalada aduunka ee ICJ ka socdo dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah israel, xili Xukuumadda Ramaphosa, ay ku eedaysay israel dil wadareed, iyo xasuuq ka dhan ah shacabka reer Gaza, tan iyo markii uu bilowday weerarkii bilowday bishii October 2023.

Qareennadda koonfur Africa ayaa soobandhigay cadaymo ay ka cajisen qarennadda israil inay si rasmi ah iskaga difaacan. Waxa ayna carabaaben in ay israel diiday in marinka lageeyo wax yaabaha, aas aasiga u ah nolasha, sidoo kale ay ku tilmaameen in marinka Gaza ay ku noolyihiin xoolo dad loo ekaysiiyay.

Middaas badalkeed, Qareennada difaacayay Israel, waxay eeda dusha u saareen Masar , waxay yiraahdeen “Masar waa tan maamusha marinka Rafah, annagu maahan.” Xilli marinkaas uu yahay mid si sahlan aan looga gudbin oo dhibaato adag dadka iyo gargaarku ay kala kulmaan marka ay ka gudbayaan.


Raysil wasaaraha israil Benjamin Netanyahu, oo saaxafadda la hadlaayay ayaa weerar afka ah ku qaaday, talaabadda south Africa, waxuuna tilmaamay in israel ay la dagaalameeso cadow iyo argagixiso ee aysan la dagalamenin shacab, kadib markii ay soo baxday dacwada South Africa ay ku oogtay xukuumaddiisa.

Madaxwaynaha koonfurta Afrika ayaa sidoo kale ka jawaabay erayddan mar uu la hadlaayay, saxfadda, waxaana u uku hadlay hadal caro ay ka muuqatay “Weligay ma dareemin kibir sidan oo kale ah, xorna ma noqon doono haddii aan sidoo kale dadka Falastiiniyiinta la xorayn.” Ayuu yiri Ramaphosa.

Hadaba waxa jiro Dalal taageeray Dacwadda Koonfur Afrika ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda aduunka, sida, Malaysia, Saudi Arabia, Morocco, Turkey, i.w.m, kuwaas oo muujiyay sida ay muhiimad u tahay in dacwad lagu soo oogo dambi dagaal ah Israel oo Xasuuq ka geystay marinka Qasa.


Midaas badalkeedda waxaa jiro wadamo ka hor imaaday, tilmaamayna inaan la maxkamadayn Karin israil oo ay kamid yihiin, dalal uu horboodayo wadanka jarmalka i.w.m. Kadib dhagaysigii labada daraf ee sout Africa iyo israil, waxa ay maxkamaddu iclaamin doontaa, waqtiga saxda ah ee lagu dhawaaqi doono, go aannka rasmig ah ee maxkamdda.