U bood dhigaalka

Mareykanka oo Taageeray Shirka IGAD ay uga Arrinaanayso Xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay shirka 18 bisha ka dhaca dalka Uganda, kaas oo urur-goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya iyo dagaalka dalka Sudan, waxaana mar kale ay adkeeyay in uu u taageersan yahay Madax Banaannida iyo Wadajirka dhuleed ee dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Africa ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu baahiyay barta X ee horay loogu yaqiinnay Twitter, ayaa lagu xusay sida Mareykanku u diidan yahay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliya iyo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland isku-afgarteen.

“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan. waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo baaqii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa” ayaa lagu yiri.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Gurracan ee Ethiopia iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya, kaas oo ka dhici doona dalka Uganda ayaa daba socda baaqii dowladda Soomaaliya.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay oo jimco ah la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka digay tallaabo ay qaado Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in dhankooda ay qaadi doonaan tallaabo kale, waxaana uu hadalkii ugu adkaa kula hadlay madaxda Itoobiya uu kaga digay fulinta heshiiskii Addis Ababa.


Urur-goboleedka IGA, Midowga Africa, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Uk ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay arrimaha kasoo cusboonaaday gobolka, waxaana dhammaantood ay taageero u muujiyeen sidii loo ilaalin lahaa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.