U bood dhigaalka

100 Maalin Kadib Dagaalka Gaza, Akhriso Kharaaraha iyo Sooyaalka


Boqol maalin oo dagaal ah ayaa ku dul dhamaatay, shacabka dagan marinka ee Reer Qaza, boqol maalin oo u dhiganta 100 Sano, magaalooyin iyo dhismayaal bilicsamaa ayaaa burbur isku badalay. Ilmo ayaa Ku agoontoobay, qoysas dhana way ku baaba’en, waxa la waayay waxkasta oo nolosha aasaasi u ahaa.

7 October sanadkii 2023, waxaa uu caalamka indhaha ku kala qaaday, weerar ay xarakadda wax iska caabinta ee xamaas ku qaaday dhulka ku hareeraysan marinka ee lagu dagaameeyay israaiiliyiinta, waxa u suurtogashay in ay gudaha ugalaan oo askar iyo shacab Yuhuuda ay soo qafaashaan.


Kadib israil, waxa ay Ku dhawaaqday, duulan Ka ay ugu magac daray, Seefta birta ah. Qeybta horre ee duulanka waxa uu Ku bilaamay, wareeradda cirka oo Ku baahsna guud ahaan Marinka, waxaana ay sheegtay in ay aargudanayso, waxa weerarradaas lagu dilay kummanaan reer Falastiin oo shacab ah.

Qeynta labaad, waxa ay ahayd duulanka cirka ah oo lagu daray, in ciidamadda israel ay gudaha ugalaan marinka, ayadda oo xamaas ay balan qaaday, in Hadii xukuumadda talabib talaabo qaado, in gudaha marinka ay Ku sugooso noocyo cadaab ah, weerarkii dhulka ma noqon sida ay rabeen ciidanka Israel.

Qeybta sadaxaad oo ay israel ugu tala gashay, inay fuliso, weraro cirka ah oo aad u xeel dheer Laguna beegsanaayo, godadka xamaas ee gudaha marinka Ku baahsna, wararradaan ayaa waxay u muuqdaan kuwa badankoodo lagu hongooay oo ay ku adkaatay in ay ka gaaraan hadafkii ay ka lahaayeen godadka.


Dhanka kale boqol maalin oo wax iska cabin ah ayay u hayd shacabka reer Gaza, Dagaalku waxa uu keenay, in 1.9 milyan oon qof ay ka barakacaan guryahoodi, sida ay tilmaantay qaramadda midoobay, oo ah 85 boqolkiiba dadka dagan marinka kuwaas oo gaaraya 2.4 milyan oo qof, kuwaas oo qoxooti ah.


Tan iyo laga soobilaabo, 7 octobar, dagaalka waxa ku dhintay in kabadan, 23 kun oo qof badan kooduna ay yihiin dumar iyo caruur , sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in lagu qiyaasay, 60 kun oo qof, sida ay tilmaantay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, dawada cuntada iyo wax walba waa gabaabsi.

Dhinaca Talaviv, warbixinadu waxa ay tilmaamayaan tan iyo bilabashadii duulanka in ciidamadda israil ugu dhintay dagaalka ay gaarayaan, 600 oo askari, halka xamaas ay carababtay in ay tahay waxba kama jiraan oo ay intyaas ka badantahay askarta looga dilay Israel ee weerarka ku qaaday magaalada Gaza.


Dhanka kale Ciidamadii weerarka ku qaaday marinka, waxaa soo gaaray khasaare isugu jira dhimashadda askar iyo gubidda gaadiid dagaal, taasoo ku qasabtay in ay dib u habeyn ku sameeyaan ciidamadooda, muddo labo bilood ah kaddib howlgalkii dhulka, sidaas darteed waxay kala baxeen guutooyin ay ugu horreyso “Golaani”, oo ah marka la joogo israil mid kamida ciidamadeeda ugu muhiimsan. waxayna kale oo 8 guutooyin ka saareen dhanka koonfureed magaaladda Gaza.

Maraykanka ayaa ku qiyaasay tirada askarta Israa’iil ee ku sugan woqooyiga ilaa 50,000 oo askari, sida uu sheegay wargeyska New York Times. Dhaqaalaha israil ayaa dhulka galay, bad, bari iyo hawadaba, guud ahaan waxaa XIrnaansho ku dhawaaday dakadaha, sabab la xiriiro weeraradda teel teelka ah e ugu imaanayo kooxda Xuutiyiiinta ee yaban.

100 maalmood ka dib bilawga dagaalka, xoguhu waxaa ay tilmaamayan in suurtagalnimada ah in Israa’iil ay gaadho guul milatari ay u muuqato mid fog ama aan macquul ahayn, sida uu qabo wargeyska kasoo boxo gudaha israel ee Haaretz, waxaana sidoo kale la warinayaa in weerarkaan dhaqaale ahaan xitaa uu u saameeyay Israel gudaheeda.