U bood dhigaalka

Britain: Waxaan Diyaar u Nahay Inaan Mar kale Weerarno Xuutiyiinta Haddii ay Weerarradu ka sii Socdaan Gudaha Badda Cas

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu weeraro kale ku qaado bartilmaameedyada Xuutiyiinta, haddii ay sii socdaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku sugan badda cas.

Maqaal uu ku qoray wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, Cameron waxa uu yidhi “Haddii Xuutiyiinta Yemen loo ogolaado inay ka hortagaan socdaalka maraakiibta, sida sahayda muhiimka ah, nolasha ayaa halis geli doonta, waxaana kor u kici qiimaha wax walba gudaha ingiriiska iyo guud ahaan caalamka.


Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri yidhi: “Mawqifkanaga waa in aanu had iyo jeer difaacno xorriyadda socdaalka, oo ah tan ugu muhiimsan, mar walbana waan udiyaarsanaahay, ciidankeenu waxa ay wiiqi doonaan awoodda Xuutiyiinta, kuwaas oo lagu dhisay taageerada Iran.”

Arrintan ayaa timid ka dib markii maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku tilmaamay weerarrada cirka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ee bartilmaameedyada Xuuthiyiinta “farriin cad” oo ah in Mareykanku uusan “u oggolaan doonin canaasiirta cadawga ah inay halis galiyaan xorriyadda socdaalka ee Badda Cas.”

Dhanka kale, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa isna dhankiisa ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta inay xaaladda Yemen ka sii darto, isagoo muujiyay inuu ka cabsi qabo inay saameyn xun ku yeelato dadaallada nabadda iyo xasiloonida iyo amniga gobolka.

Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November weeraro ku qaadayay maraakiibta xamuulka qaada ee sidda joogtada ah u isticmaalo badda cas, si ay taageero ugu muujiyaan dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Israel kula dagaalamaya Gaza oo 100 maalmood ay weerarro ka dhacayaan.

Hadalka kasoo baxay Britain ayaa imaanaya xillu Jimcihii, afhayeenka Xuutiyiinta Mohammed Abdul Salam ayaa yareeyay khasaaraha iyo saameynta ay ku yeesheen duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana ay dhowaan aheyd markii Mareykanka UK ay weerarro ku qadeen dhanka circa saldhigyo raadeerro oo ay leeyihiin kooxda.