U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Taaliyaaniga Uga Taageeridda Madaxbannaanida Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jirtay xiisada u dhaeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Taliyaaniga ayaa kamid ah dowlaha sida dhow saaxiibka ula ah Soomaaliya, waxaana dunida siweyn looga dareemayaa xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka, dowladda federalka ayaa dowlado dhowr ah kuwaas oo taageero u muujiyay dowladda, kadib xiisadda dhanka badda ee u dhaxeysa labada dhinac, kadib heshiiskii Addis Ababa.

Urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in kulan ay isugu yimadaan 18 bisha magaalada Kampala, kaas oo siweyn loogu gorfeyn doono xaaladda gobolka kusoo korortay ee xiisadda Soomalaiya iyo Itoobiya iyo dagaalka dalka Suudaan, Shirkaan ayaa waxa iclaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo guddoomiyaha IGAD.