U bood dhigaalka

Is-diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ah oo si rasmi ah uga bilaabatay Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ah ayaa si rasmi ah uga billaabatay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed, ayadoo boqolaal ahi ay is u soo bexeen qaadashada kaarka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu daah-furayay ololaha diiwaangelinta Codbixinta Deegaannada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda diiwaangelinta ayaa waxaa ka qeyb-galay mudanayaal ka tirsan golayaasha Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu horeyey ee qaata Shahaadada diiwaangelinta Codbixiyaasha ayaa bulshada Koonfur Galbeed kula dardaarmay, inay isdiiwaangelinta ka qeyb qaataan Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah.

Dhinac kale magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa ayana laga daahfuray barnaamijka is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ah, ayadoo dadweynuhu ay safaf dheer dheer u galeen xarumaha ay howshaasi ka socato.