U bood dhigaalka

Soomaaliya oo kaqeybgashay shirka golaha fulinta ee Xogheyeyaasha Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo kaqeybgashay shirka golaha fulinta ee Xogheyeyaasha Jaamacadda Carabta Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay

Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga waxaana looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hay’adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.

Kulanka guddiga fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowladda Itoobiya ay kula kacday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna isla qaateen in la garab istaago dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qaranimadda Soomaaliya.

Tan iyo markii ay soo baxday xadgudub Itoobiya waxa soo kordhayay ururrada kale duwan ee dowladda Soomaaliya taageerayay madaxbanaanideeda, waxaana lagu wadaa kulanka soo aadan ee Jaamacadda carabta in si buuxda ay u taageeraan dowladda federalka Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee ka dhacay Addis Ababa ee Baarlamaanku laalay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga waxaana looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hay’adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.