U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta Kala Hadashay Caqabadaha Gobolka Ka Taagan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit.

Waxaa kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeyay, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.