U bood dhigaalka

Wasiirrada iyo Xildhibaannada Gobollada Waqooyi oo Waxkamajiraan Ku Tilmaamay Heshiiska Badda

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay xildhibannada labada gole iyo Wasiirro kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland, waxaana kulankooda u uku qotomay sida ay u diidan yihiin heshiiskii is-afagaradka ahaa ee Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Biixi iyo Abiy Axmed.


Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Jaamac ayaa hormuud u ahaa , waxaana ku wehliyay wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole, waxaana waxba kama jiraan ay ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland.

War saxaafadeed kasoo baxay kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka, xubno ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa lagu diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.


Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo akhriyay bayaanka ka soo baxay kulan ayaa sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed, lana aqbalo doonin heshiis beenaadka Addis ababa ku dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado, waxaan walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Waxaana shir saxaafadeed lagu sheegay in dhulka Soomaaliyed uu yahay dhaxal Ummadda Soomaaliyeed, ayna jirin cid gaar ah oo u xil saaran inay gorgortan kala gasho dowlad kale.


Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga hortimid heshiiskaan, waxaana Baarlamaanka labadiisa aqal uu kasoo saaray xeer lagu burinayo heshiiskaasi, waxaana inta badan dowladda Soomaaliya ay taageero ka heshay dalalka caalamka iyo ururrada caalamiga ah, xilli IGAD 18-ka ay ka shirayaan xiisadda laba dhinac.