U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Dadaal ugu Jirta Dib ugu soo Noqoshada Hoggaaminta Afrika, Maxaa Caaabado ah oo Hortaagan?

Soomaaliya ayaa sida dayaxa uga soo dhax iftiinta qaaradda Afrika, iyadoo tiigsaneysaa hamiyo sare waxaana ay muujineysa kartideeda hogaamineed ee qaaradda iyo ururada kale caalamka ee ay qeybta ka tahay sanada soo aadan oo ay galayaan tartanka kursiga midowga Afrika oo ay u sharax tahay Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan.

Tijaabooyinka ugu adag ee Soomaaliya ay mari doonto si ay u amba qaado doorkeeda hogaamineed sanado badan oo bur-bur ah kadib waxaa ay ka bilaabinayaa ururka ugu sareya Qaaradda Africa ee AU magaciisa loo soo gaabiyo oo dowladdu ay cadeysay in 2025- Soomaaliya u taagan tahay hogaamintiisa.

Uurukaan oo xilkiisu meerta yahay waxaa labadii xili doorasho ee ugu danbeysay ku guuleystay Musse Faki Mohamd oo dalka jaad ka soo jeeda waxaana la saadaalinayaa in sanadkaan is badal uu ku imaan karo hogaanka Africa, Soomaaliya ayaa dhowaan xubin muhiim ah ku yeelatay urur-goboleedka IGAD.

Dowllada Soomaaliya waxaa shalay ay ku dhawaaqday in Musharax ay u tahay 2025-xilka ugu sareysa Midowga waxaana ay soo sharaxday Xildhibaan Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan oo horay xilil muhiima uga soo qabatay dalka aheed gabadha kaliya ee u tartantay xilka Madaxweynaha dowladda federalka 2022.
Uurukaan waxaa ku mideysan 55-dal oo qaaradda Madow ah waxaana kuwa dhaca bariga Africa ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay ay kala yihiin:- Comoros, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Madagascar, Mauritius, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania iyo Uganda.
Hogaaminta ururka waxaa sanadihii xiliyadii danbe isku badalay
• 2008–12 – Jean Ping, Gabon
• 2003–08 – Alpha Oumar Mali
• 2012–17- Nkosazana Dlamini Zuma, South Africa
• 2017– hadda – Moussa Faki Mahamat, Chad
Soomaaliya waxaa xulufo badan ay u heli kartaa tartanka kursigaan maadaama xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo wadamada ururka ku jira Marka laga reebo Ethopia oo xiriirkooda siyaasadeed ay xumeysay tilaabada dhul boobka ah ee uu ku kacay Ra’iisulWasaaraha Ethopia, Hadaba Maxay Soomaaliya uga dhigantahay hadii ay xilkaan ku guuleysato, Professor Maxamed Cumar Dalxa ayaa Goobjoog u sheegay.

“Runtii waa arrin aad iyo aad muhiim u ah soodhoweyna dadka Soomaaliyeed ay ka mudan tahay in ay Soomaaliya ay ku hamiso in ay door muhiim ah ay ku yeelato ururrada heerka gobolka iyo kuwa kale, Soomaaliya rajo intaas la eg in ay yeelato wax ugub ah ma ahan” ayuu yiri , Professor Dalxa oo hadlay.

Dhanka kale waxaa Soomaaliya ay u tartami doontaa kursiga aan joogtada ahayn ee QM Qaarada Africa ay ku leedahay oo hadda ay ku fadhiso dowladda Kenya oo codeyn ka dhacday Adds ababa jabuuti ka guuleysatay, Soomaaliya ayaa siweyn uga soo muuqanaysa saaxada siyaasadda lagu jaangooye ee dunida.

Dowladda Soomaaliya ayaa xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay u sharaxday tartanka guddoomiyah guddiga midowga Afrika, waxaana arrintaan lagu tirlmaamay guul weyn iyo in la arkay dhiiranaan intaas la eg, waxaana dhowaan xubin ay ka heshay urur-goboleed IGAD oo xoghaye ka noqotay.