U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika oo u Codeeyay Sameynta Howlgal Lagu Bedalo ATMIS

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howl-gal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo ka dib markii howl-galka hadda ee ATMIS Soomaaliya uu ka baxo bisha December ee sanadkan 2024.

Golaha ayaa sheegay in howl-galka cusub ee AU-da ay hoggaaminayso ay diiradda saari doonaan taageeridda dowladda federaalka ah si loo sii xoojiyo dagaalka Shabaab, loona sugo amniga iyo in mudnaanta la siiyo ilaalinta rayidka Soomaaliya, sidoo kalena laga caawiyo xasilinta iyo amniga Soomaaliya, ayadoo xoogga la saarayo mudnaanta dowlad-dhisidda, iyo ka qayb qaadashada hawlgalada ka hortagga argagixisanimada.

Dhanka kale AUC PAPS waxay si adag u taageertay codsiyadii ay gudbisay dowladda Soomaaliya 16-kii May 2024 ee ahaa in qaab taxadar leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee ATMIS, iyadoo 4000 oo askar ah loo qaybiyey laba qaybood, kuwaas oo kala ah 2000 dhamaadka June baxaya iyo 2000 oo dabayaaqada Sebtembar 2024 ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidoo la sheegay inay codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS sababa la xariira walaac nabad-galyo.