U bood dhigaalka

Baqdaad oo Gardarro Ku Tilmaantay, Golaha Ammaanka Ku Dacweyneysa Weerar ay IRAN ka geysatay Erbil

Maanta oo talaado ah waxaa ay falcelino lagu dhaleeceeyay weerarkii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ay shalay ku qaadeen magaalada Erbil ee gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq, halka Tehran ay qiil ka dhigatay inay difaaceyso madax banaanideeda iyo amnigeeda sidoo kale waxa ay tilmaantay, inay xaqa u leedahay in ay ka hortagto khataraha amniga ee ku wajahan qarankeeda.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ciraaq ayaa cambaareysay weraradda ay fulisay Tehran, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in dhaqankan uu yahay gardarro ka dhan ah madax-bannaanida Ciraaq iyo ammaanka dadka Ciraaqiyiinta.” Waxay ku sheegtay hadal ay soo saartay in mas’uuliyiinta Ciraaq ay qaadi doonaan dhammaan tillaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah, madaxbanaanidda Iraq, warbixinta ayaa intaas lagu daray in ay cabasho u gudbiyaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Wakaalada wararka ee Ciraaq ayaa sheegtay in Baqdaad ay u yeertay safiirka safaarada Iran ilaa arinta gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq xal looga gaarahayo, sidoo kale , Lataliyaha Amniga Qaranka Ciraaq Qaasim Al-Araji ayaa tagay gobolka Kurdistan ee Ciraaq si uu ug kuur galo dhibaatada ka dhalatay duqeyntii Iran ay ka geysatay magaalada Erbil.

Sidoo kale Madaxweynaha Ciraaq, Cabdullaif Jamaal Rashid ayaa cambaareeyay duqeynta Iran, qoraal uu soodhigay bartiisa X isagoo sheegay in arinkani halis ku yahay xasilloonida gobolka oo dhan, ayna ka dhigan tahay xad-gudub lagu sameeyay madax-bannaanida Ciraaq.

Dowladda Ciraaq, ayaa si kulul u cambaareysay, waxayna duullaanka gardarrada ah ee Iran ay ku qaaday magaalada Erbil ku tilmaantay in ay ku garaacday goobo ammaan ah oo ay ku noolaayeen dad taasi oo keentay in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaarto.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay “burburkii ka dhashay duqeynta, sidoo kale warbixinta ayaa lagu yiri, waxaa ku dhintay dad aan waxba galabsan waxaa kale oo jiro, dhinayaal dhaawac u ah dhacddaan, sidookale weerarka waxaa ku burburay ganacsiyo goobo muhiim u ahaa, dadwaynaha.

Wasaaraddu waxa ay intaa ku dartay, “Dawladda Jamhuuriyadda Ciraaq waxay u aragtaa hab-dhaqankaas mid gardaro ah oo ka dhan ah madax-bannaanida Ciraaq iyo ammaanka dadka Ciraaq, isla markaana meel ka dhac ku ah deris-wanaagga iyo ammaanka gobolka, waxayna xaqiijinaysaa inay qaadi doonto dhammaanba. Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Ciraaq (UNAMI) ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka Iran.

War saxaafadeed ayb soosaren ayaa ku nuux-nuux saday in weerarradaas ay ku xad-gudbinayaan madax-bannaanida dhuleed ee Ciraaq dhinac kasta, isagoo intaas ku daray in weerarradaas ay tahay in la joojiyo. Waxaa lagu yiri qoraal ay soo dhigen barta”X”: “Walaaca amniga waa in lagu xalliyaa wadahadal, ee maaha weeraro.”

Hey’adaha Ammaanka ee Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in 4 qof ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay geysteen Ilaalada Kacaanka Iiraan, kuwaas oo ay sheegeen in ay gantaallo la beegsadeen goobo ku yaalla gobolkaasi gelinkii dambe ee shalay. Ilaalada Kacaanka ayaa ku shaaciyay website-kooda in gantaalka ballistic-ga ah uu u yimid aargudasho ay ku dileen madaxdooda oo ay ku dileen gacanta Israel.
Ilaalada Kacaanka ayaa ku tilmaamay bartilmaameedka gobollada Kurdiyiinta ee Ciraaq in uu ahaa xarun basaas u ah sirdoonka Israel ee (Mossad).