U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Wadajir Uga Dooday Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2022 oo ay Xukuumaddu Soo Gudbisay

Kulan wadajir ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeesheen labada aqal ee Baarlamanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayey uga doodeen xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2022-ka, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda dowladda Federalka Soomaaliya.

Kullanka oo ahaa Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad ayay maanta Sanatarrada iyo xildhibaanadu waxa ay si furan uga doodeen Xisaab xirka, iyaga oo soo bandhigay aragtidooda iyo qaladaad ka jira meelaha qaar, iyagoo masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda waydiiyay dhammaan su’aalihii ay ka qabeen Xisaab 2022.

Intaas kadi wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Cabdiqafaar Xaange ayaa Sanatarrada iyo Xildhibaannada si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay ka waydiiyeen xisaab xirka, isagoo dul istaagay una bayaaniyay meelihii sida gaar ah wax looga waydiiyay isaga oo ka jawaab celiyay.
Kulanka oo uu guddoomiyey guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cabdi Cali Shacbaan Ibraahim, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare iyo guddoomiye ku xigeenada golaha shacabka.
Kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli wasaaradda maaliyadda maalinimadii shalay ay Muqdisho ka daahfurtay miisaniyadda 2024, taas oo ka badan 1 Billion, waxaana wasiirka maailyadda uu sheegay in dowladdu ku dadaalayso sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka si looga kaaftoomo kabka 65% ah.