U bood dhigaalka

Paris oo Diidday Isbaheysiga Washington ee kadhanka ah Xuutiyiinta

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu go’aansaday in aanu ku biirin isbaheysiga uu Mareykanka hogaamiyo ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta ee Yemen si looga fogaado xiisadda gobolka oo cirka isku shareerta, isagoo ku celceliyay baaqa xabbad joojinta ee Gaza.

Maraykanka iyo Britain ayaa dhamaadkii todobaadkii hore duqeymo ka bilaabay goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee Ansar, dalka Yemen, si ay u soo afjaraan weerarrada ay kooxdaasi ku qaadeen maraakibta xamuulka ah ee adeegsata badda, ayaga oo ka duulaya, werarka ay israil ku qaday marinka Gaza.

“Faransiiska wuxuu go’aansaday inuusan ku biirin isbahaysiga uu hogaaminaayo maraykanka” Macron ayaa sidaa ku yiri shir jaraa’id isaga oo intaa raaciyay in ay muhiim tahay in xiisadda aan lagu xalin xabad, ee ay ka muhiimsan tahay, si dublamasiyadeed in loo wajoho.

Maraykanka ayaa hore ugu dhawaaqay in la sameeyay isbahaysi caalami ah, kaas oo qayb ka ah waxa uu ugu yeedhay hawlgalka “ilaaliyaha horrumarka.” Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku jawaabtay in isbahaysigani aanu joojin doonin hawlgalada ay ka wadaan Badda Cas, kaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid ujeedadiisu tahay inuu taageero u noqdo Dadka Falastiiniyiinta ooku hawlan ka hortaga duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Macron ayaa waxa uu carabaabay, in israil ay soo afjarto, waxa uu ugu yeeray, duulaanka aan xeesha dheerayn, Macron waxa uu xusay in la wayay 41 ka mid ah muwaadiniintiisa” weerarradan iyo in 3 muwaadiniin Faransiis ah weli lagu haysto afduub marinka Gaza.