U bood dhigaalka

Bangiga Horumarinta Afrika oo Shaqaalihiisa Dib Ugu Celinaya Itoobiya, Kadib Weerarkii October 2023

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu dib u soo celinayo shaqaalihiisa caalamiga ah ee dalka Itoobiya, go’aankan ayaa yimid ka dib markii bangigu uu ciidamada Itoobiya ku eedeeyay weerarro lagu qaaday, arrintaan ayaa bangiga uu ku micneeyay in lagu xadgudbay xasaanadda shaqaalaha Bangiga.

Baanka Horumarinta Afrika ayaa saddex bilood ka hor shaqaalaheedii caalamiga ahaa ka raray Addis Ababa, ka dib markii ay ciidamada ammaanka ee dawladda Itoobiya xabsiga u taxaabeen laba ka mid ah shaqaalahooda. Bangiga ayaa codsaday in baaritaan lagu sameeyo weerarka wax jawaab ah mahelin.

Maalmihii la soo dhaafay, Dr. Akinwumi Adesina, oo ah Madaxweynaha Bankiga, ayaa u safray Addis Ababa, wuxuuna la kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Sida lagu sheegay war-murtiyeedka baanka, kulammadaasi waxay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, isla markaana xal laga gaaray dawladda Itoobiya.

“Dhacdadii Oktoobar waxay sii waddaa inay walaac badan ku abuurto kooxda Baanka Horumarinta Afrika iyo gaar ahaan shaqaalaha xafiiska dalka Itoobiya. Dhacdadani waxa kale oo ay walaac ku abuurtay saamilayda Baanka, bangiyada kale ee horumarinta dhinacyada badan leh, hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda, bulsho weynta dublamaasiyadda iyo daneeyayaasha kale.”ayuu yiri guddmiyaha Bangiga.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa raaligelin rasmi ah ka bixiyay isagoo ku hadlaya magaca dowladda Itoobiya rabshado jireed iyo ku xad-gudubka xuquuqda diblomaasiyadeed ee loo geystay shaqaalaha bangiga, dhacdadii October ayaa noqotay mid Itoobiya ay kala kulantay dhaleeceyn xooggan oo calami ah.

Bangiga ayaa hore e sheegay in arrinta shaqaalaha baxay aysan saameyn ku yeelan shaaqaalaha dalka, laakiin ay ku koobneyd shaqaalaha caalamiga ah, waxaana ay kusoo aadaysaa arrintaan soo celinta ah xilli Itoobiya ay wajahayso dhaqaale xumi aad u baahsan marka la eego, iyadoo abaar iyo colaad jirto.