U bood dhigaalka

Aqalka Sare oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha

Sheeko:Aqalka Sare

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda, waxaana codka kalsoonida siiyay 27 Sanatar, waxaa diiday labo Sanatar wax ka aamusana ma jirin sida guddoonku sheegay.

Kulanka maanta ee sharciga Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda lagu ansixiyay waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labadaad ee Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, waxaana lagu ansixiyay sharciga howlgabka iyo Liidnaanta Shaqaalaha Rarayidka ah.

Golaha Aqalka sare ayaa shaqadiisa waxa ay u socotaa sidardar leh, waxaana ilaa iyo hadda goluhu uu meel mariyay sharciyo dhowr ah oo kasoo gudbay golaha aqalka sare, waxaana muuqata wadashaqeyn xooggan oo labada gole ka socota marka la eego sharciya gudbay ilaa iyo hadda oo dalka muhiim u ah.