U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Waa in la Ixtiraamo Qarannimada Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay Addis Ababa iyo Muqdisho inay furaan wada hadal ay ku xalinayaan murankooda ku saabsan heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, xilli dowladda Soomaaliya ay shuruud ku xirtay wadahadal kasta oo dhexmaraya.

Xiisadda labada dal ee dhaca Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni uu heshiis la galay Somaliland 1-dii January, heshiiskaas oo sheegaya inay bad ka hesho marinka badda Cas, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay diidmo kala hortimaado falkaasi.

“Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto, Waxaan rajeyneynaa in wadahadal looga gudbo xaaladda taagan ” ayuu Guterres ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo dalka Shiinaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in wadaxaajood iyo wadahadal walba u uku xiran yahay in marka hore Ethopia ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, waxaana xusid mudan Midowga Afrika uu ergay u soo magacabay wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya ee xiisadda badda ku aadan.

“Taasi waa sababta aysan u bannaanayn dhex-dhexaadinta, haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskeeda sharci-darrada ah, oo ay dib u xaqiijiso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafinyay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, kadib magacaabista.

Xoghaya guud ayaa hadalkiisa ku daray baaqyada ay hormuudka ka yihiin dalalka Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee ku aaddan in la ixtiraamo Madaxbannanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, taasoo xadkeeda la calaamadiyay 1960.

Sida ku cad heshiiska Somaliland waxay ogolaatay in 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ka mid ah laga kireeyo muddo 50 sano ah Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi ah, taas oo dowladda Soomaaliya ay ka biyo diiday arrintaas marka la eego xiisadda ayaa gaartay meel sare.