U bood dhigaalka

1911 Fashilkii Damaca Badda Cas ee Lij Iyasu Iyo Kan 2024 Abiy Axmed Cali!

Damaca Itoobiya iyo heshiiska ay dhowaan shaacisay ee ay ku sheegtay in dhul iyo bad Soomaaliyeed ku helayso ayaan ahayn wax cusub sida waqtigu noo sheegayo. Tan iyo 1991-dii waddan la dayacay oo sida hilib ceeriin meel bannaan ah u yaal ayaan shaki ku jirin in cid walba damac ka soo galayo, taasna waxaa sahlaya waaqica yaal dunida aan ku nool nahay maanta, kaas oo ah ‘Ninkii xooglaa xaajo ay u toostaa.’.

Qormadan dhowr qodob ayaan rabaa in aan ku xuso;

Marinka Badda Cas;

Marka hore aan fahamno muhiimadda marinka badda cas, 1911-kii markuu Jarmalku isku diyaarinayay dagaalkii koowaad ee adduunka ayuu garowsaday in marinka badda cas uu halis ku yahay, waxaa ayna ku sababeeyeen in dagaal ay la galaan Yurubta oo Biritishaku xilligaas hormuudka u ahaa aysan ka adkaan karin inta uu u furan yahay waayo marka Yurub dagaal gasho waxaa salka galaya waxsoosaarka, waxaana la waayi doonaa wax afka la gasho, balse marinka badda cas oo u furan Hindiya, Awstareeliya iyo Newzealand ayaa u suurtaggalinaya in saadku uusan ka go’in, sidoo kalena ciidamada uga imaanaya waddamadaas uga soo gudbaan.

Jarmalku waxa uu ula tagay qorshihii Otamaankii oo laftigiisu sii liicayay, balse markaa gacanta ku hayay Sacuudiga, iyagoo la qaatay Janaayo 1915 ayaa doon ka soo baxday Al-Wajh, Sacuudi Careebiya, waxa ay ku soo xiratay dekedda Musawac, waxaana ka soo degtay koox Cilmi baarayaal ah Jermal iyo Turki iskugu jira oo uu hoggaaminayay saynisyahankii la oran jiray Leo Frobenius.

Maanta waxaa dheer intaas in marinka badda cas uu noqday jidka shidaalka waddamada Gacanka iyo marin ay iskaga gooshaan maraakiibta ganacsiga Yurub iyo Aasiya u kala socota ayada oo lagu qiyaasay 12% ganacsiga adduunka, oo u dhiganta hanti dhan 1-tirilyoon. Sidoo kale ayay waddamada reer galbeedku ku ilaashadaan danahooda amni iyo dheeli ku yimaada awooddooda caaalamka mustaqbalka oo ay haddaba u muuqdaan quwado kusoo baxaya.

Haddaba ciddii gacanta ku haysa marinka badda cas ayaa noqoneysa tan ku gacansareyn doonta dagaal walba, mid ganacsi ama mid mid melateri.

Damaca Badda Cas ee Lij Iyasu

Lij Iyasu iyo xaasaskiisii muslimka ahaa

Lij Iyasu, ayaa noqday Amiir, kaddib dhimashadii Minilikhii Labaad. Jermalka iyo Turkigu ayaga oo ka faa’ideysanaya wiilka yar ee aan khibradda lahayn ayay koox u soo direen uu hoggaaminayay Leo Frobenius, balse ciidamadii Talyaaniga ayaa dib u ceshay kaddib imaanshahoodii Musawac, Eretareeya. Bishii Juun 1915-kii, ayaa la soo diray khabiir kale oo la oran jiray Salomon Hall, asagoo ka soo degtay Musawac, ninkan ayaa ka soo jeeday Yahuuda Boolishka ah, balse ahaa nin Boqorka Jermalka saaxiib ay ahaayeen, waxaa uu sidoo kale saaxiibo ku lahaa Itoobiya, asagoo ku hadli jiray luqadda carabiga. Sidii oo kale ayaa loo qabtay dibna loogu ceshay meeshuu ka yimid. Balse intaan la qaban ayuu gudbiyay waraaqihii uu waday, kuwaas oo gaaray safiirkii Jarmalka u fadhiyay Addis Ababa, lalana wadaagay safiirkii Turkiga.

Saxafiga Martin Plaut, oo wax ka qoray boqolguuradii dhacdadaas ayaa nuxurka farriintaas u qoray sidan Hadda waxaa la gaaray waqtigii Itoobiya ay dib u hanan lahayd xeebaha Badda Cas, Talyaanigana bannaanka ku dhigi lahayd, si Boqortooyada loogu soo celiyo dhulkeedii hore ee ay ka talin jirtay. Jarmalku waxa uu isku xilqaamay in uu aqoonsado dhul kasta oo ay Itoobiya qabsan karto ama ay ku qabsato tallaabo milatari oo ka dhan ah awoodaha xulafada, in ay tahay hanti ay xaq u leedahay iyo qayb ka mid ah Boqortooyada Itoobiya dagaalka ka dib.”

Lij Iyasu, waa ku qancay farriintii soo gaartay asagoo saldhig ka dhigtay Harar iyo Dirirdhabe, iskuna dubariday ciidankii uu ku qasban lahaa badda casa asaga oo dhabarka ka wareemaya Talyaaniga oo Eretareeya fadhiyay, Faransiiska oo Jabuuti fadhiyay iyo Ingiriiska oo Waqooyiga Soomaaliya fadhiyay. Tani waxa ay keentay in saddexdaas waddan ogaadaan farriinta wiilka soo gaartay una hawlgalaan sidii ay kursiga u dhaafin lahaayeen ayagoo ku kacshay kaniisadihii kana dhaadhacshay in uu muslimay. Waxaa xukunkii la dhaafshay September 1917, asagoo ku maqan Dirirdhabe, tanoo uu diiday, kana dagaalamay ilaa iyo 1921-dii markaas oo la soo qabtay.

Taariikhyahanka Haggai Erlich, oo ka sheekeynaya ficilladii uu qaaday Lij Iyasu ayaa sidan u dhigay Tallaabooyinka uu qaaday looma fasiran karo wax aan ka ahayn inuu rabay aasaaska Itoobiya cusub, oo ay udub dhexaad u noqoto Harar, oo ah caasimad Islaami ah, boqortooyo Afrikaan ah, isbahaysina la leh Istanbul.”

Hanqaltaagiisii Badda Cas iyo damacii Lij Iyasu waxa uu dhaafiyay kursigii, haddaba yuu ahaa Lij Iyasu?

Lij Iyasu waxaa dhalay Ras Mekeal, oo ka hor inta uusan magaciisa badalin la oran jiray Maxamed Cali Abba Bula, oo reer Wallo ahaa, waxa uuna noqday hoggaanka Wallo, asagoo la saaxiibay Boqor Yohanes IV, kaas oo ku qasbay in alla iyo intii muslimka ahayd ee xukunkiisa haysay in ay kiristan noqdaan ama xilka banneeyaan. Maxamed Cali markaas ayuu kiristan noqday lana baxay Mikael, waxa uuna asal ahaan ka soo jeeday qowmiyadda Oramada.

Iyasu Maxamed Cali V Abbiye Axmed Cali

Abbiye Axmed Cali marka aad si dhab ah u fiirisid tallaabooyinkii uu qaaday tan iyo inta uu xukunka qabtay ayaa waxa kuu soo baxaysa tan uu Haggai Erlich, ku tilmaamay “Itoobiya cusub”, ayada oo tallaabooyinka uu qaaday uu kala mid yahay kuwii Lij Iyasu.

Sida Iyasu, ayaa Abbiyana ka soo jeedaa qowmiyadda Oramada, waxa uuna noqonayaa ninkii soo labeeyay Lij Iyasu, Oromana ah oo Itoobiya madax ka noqoda. Labaduba waxa ay ka soo jeedeen qoysas muslim ah. Isla qorshihii Lij Iyasu loo keenay 1915-kii, ayaa Abbiye loo keenay 2018-kii. Su’aashu waxa ay tahay: Ma mid uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay ee Tplf-ta ayuu ahaa qorshahani? Mise mid loo keenay?

16 June 2018-kii, markuu Muqdisho booqday kaddib waxa uu sheegay in afar dakadood kala hadlay Soomaaliya. Xilligaas waa inta ay weli dhexda uga marnaayeen TPLF-tu, asagoo mar danbe ka hadlayay ayuu yiri “Markaan la kulmayay Madaxweyne Farmaajo, waxaa bannaanka ii fadhiyay madaxii sirdoonka ee Tigreega ahaa Getachew Assefa, oo weftigiisa ka mid ahaa. Tani waxa ay ifinaysaa in qorshahani mar walba ahaa yoolka maamulkii ka horeeyay amase la oran karo waa riyada Itoobiya mar walba ku taamto.

Su’aasha danbase ayaanse anigu mar walba qabaa, taas oo ah; Yaa u keenay?

Danaha badda cas iyo marxaladda la joogo maanta waxa ay caddeynaysaa in ay tahay dhuun rag ilaashanayay balse quwado kale soo galeen, sida Shiinaha oo Jabuuti saldhigtay, Raashiya oo fargasho bilowday, kooxo abaabulan oo calooshood u shaqeystayaal ah iyo ururada xagjirka iyo argagaxisada iskugu jira.

Damaca Itoobiya waxaa aad usoo baxay kadib heshiisiikii Somaliland, Emaraat iyo Itoobiya saxiixdeen March 2018, heshiiskaas oo TPLF, garwadeen ka ahayd. Abiye intuu xukunka yimid markii ugu horeysay ee laga maqlo waxa ay ahayd 3 June 2018, asagoo la hadlayay saraakiil sare oo ciidamada Itoobiya ayuu yiri hadal u dhignaa sida “We should build our naval force capacity in the future,” (Waa in aan dhisnaa ciidamo baddeed mustaqbalka).

Tallaabadaasi waxaa xigay in heshiisyo kale iyo deeqo lacageed uu helo, isaga oo markii dambe si cad u sheegay in afar dakadood Soomaaliya kala soo hadlay.

Maarso 12-dii 2019, waxaa booqasho ku yimid Addis Ababa, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, heshiis ay wada saxiixdeen ayaa lagu sheegey in ciidamada badda uu Faransiisku u dhisi doono. 13 Maarso 2019-kii, madaxweynaha Faransiisku waxa uu kulan la yeeshay Uhuro Kenyata, asagoo kulankii dhexmaray ka hadlayana waxuu yiri “Waan dareemi karaa caqabadaha aad sheegateen, tan Yurub aad ka sheegateen, waxaanse idin leeyahay idinka iyo Itoobiya wada fariista qorshe la imaada saaxiibada Carabtuna waa maalgalinayaan”. Yey yihiin saaxiibada carabta ah ee Macron xusay? 18 Augost 2023, waxa mar kale booqasho ku yimid MBZ, asagoo saxiixay mashaariic aad u xaddi weyn, waxaana la sheegay 113 mashruuc in Emaraat ka fulinayo Itoobiya.

Febraayo 2023, Mareykanku waxa uu qorsheynayay in dhoolatus melateri ku qabto Berbera, kaas oo waddamo badan ka soo qaybgeli lahaayeen, Soomaaliyana qayb ka ahayd, qorshahaas oo dagaalkii Sool meesha ka saaray. Horaa loo ogaa in Berbera iyo Saylacba Raashiyaanku xiisaynayeen maadaama ay sheeganayaan in cid walba uga xaq leeyihiin, sababtuna tahay in dekadda Berbera ayagu dib u dhiseen.

Heshiisyadii Itoobiya la saxiixatay Wasaaradda Gaashaandhiga DF Soomaaliya, oo ay ku xusanyihiin in ay iska kaashanayaan difaaca badda. Raadadkaas haddaad si hoose u fiirisid waxaa kuu soo baxaya in ay mar walba ay jiri karto awood kale oo bannaanka ka ah Itoobiya dabadana ka riixaysana saxiixii dhacay.

Khatarta Heshiiskan;

Waxaa jiray nin la oran jiray Kamal Mir Muhammad Jaafar Khan, kuna magac dheeraa Mir Jaafar, waxa taariikhdu xustaa in uu ahaa ninkii Hindiya u gacan gashay gumeystihii Ingiriiska, waxa waday in uu falkaas ku kacano ay ahayd damac kursi iyo xintan kala dhaxeeyay Amiiradii gobalada kale xukumay. Heshiis uu kula galay gobalkiisa Shirkadii la oran East India Company, una saxiixay 200 oo sanno, ayaa sababay in 200 sano Ingiriisku xukumo Hindiya. Waxaa loo yaqaan khaa’inul waddanka ugu weyn hindiya in uu yahay. Markuu heshiiskaas saxiixay buu waayay awooddii gobalkiisa, asagiina lagu badalay wiil soddog uu u ahaa, wallow dib loogu soo ceshay, balse awooddii gacantiisa waa ka baxday Ingiriis baana waddankii la wareegay..

Waxaa taas la mid ah heshiisyadii Soomaalida xeebaha degan la galeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, kuwaas oo keenay Soomaalidii aan qaybta ka ahayn heshiiskaas, deegaan ahaanna kumanaanka mayl u jiray loogu tagay dhulkoodii laguna xukumay.

Mir Jaafar, markuu shirkadda East India Company heshiiska la galayay waxa ay heysatay ciidan dhan 1800 oo askeri, halka ciidamada Gobalka Nawab Bengal ay ahaayeen 50,000 oo askeri. Shirkaddii Ingiriisku waxa ay kala furfurtay ciidankii 50,000, ahaa ayadoo aakhirkiina dagaal la gashay, kana adkaatay kaddib markii qayb ka mid ahayd 50,000 ee askeri oo uu hoggaaminayay Mir Jaafar, ku biireen kuwii Ingiriiska dhabarkana ka toogteen askartoodii.

Tani waxa ay caddeyn u tahay heshiiska Lughayo in uusan ku ekaan doonin Lughaya ee uu saameyn doono Soomaalida jooga Libooy ilaa Lughayo. Itoobiyana sida ay haddaba u leedahay “Xeer na qabta ma leh marka aan gaajeysannahay” ayaysan jiri doonin wax hor istaagi kara damaceeda oo aan ka ahayn dowlad iyo dad Soomaaliyeed oo isku duuban.

Heshiiskani waxa uu daaqad u furayaa quwadaha isbaacsanaya in ay isla soo galaan gobalka, ayna ugu horeeyaan dowladaha bariga iyo galbeedka, sidoo kale ayay martigalin kartaa calooshood u shaqeystayaal iyo argagaxisaba, sida Wagner, Xuutis, Al-qaacida iyo kuwo kaleba. Tani waxa ay meesha ka saaraysaa xasilloonidii deegaanadaas iyo geeska Afrikaba.

Fashilka Abiye iyo Oramaba

Qowmiyadda Oramada oo ay ka soo jeedaan Lij Iyasu iyo Abiyeba ayaa ahayd taariikhda Itoobiya mid madaxa looga taagnaan jiray, halka kaliya ee ay nafis ka heli kareenna waxa ay ahayd Soomaaliya, tanoo keentay in Itoobiya ay ka dhigto gobalka Soomaalida mid meliteri. Ujeedka ugu weyn ee Amxaro iyo Tigrey ayaa ahaa in ayan xukumi karin Oromo oo xadkeedu Soomaali isku furan yihiin. Maanta taas lama joogo, shaley hadduu ku fashilmay qorshihii loo soo xawilay Lij Iyasu, xukunkiina uu ku laabtay Amxaarada, Xayle Salaasana la boqray, isla qorshihii Abiye muxuu dhaxalsiin doonaa?

Natiijadu waxa ay na tuseysaa isla maxsuulkii u soo baxay Lij Iyasu in uu heli doono Abiyana, dagaal uu ku galo sheegashada bad iyo dhul Soomaaliyeed waxa ay u horseedi doontaa in Oromo inta ay ku jirto dagaalkaan ay ka bilowday dhabarka gurigooda in albaabka ay ka soo istaagaan Amxaaro iyo Tigrey xukunkuna ku laabto qowmiyadaha waqooyi. Taas oo keeni doonta in Itoobiya danbe ayan maamulin Oramadu, amase gacanta Oramada Itoobiya ku burburi doonto.

Diidmada ka timid Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha carabtu, siiba Masar, oo waayadan danbe weyday cid ay la kaashato difaacidda biyaha ay ka xiratay Itoobiya ayaa ku noqonaya darbiyada ay madaxa la dhici doonto. Kooxaha gadaal ka taagan ayaan laftigoodu ka badbaadin karin dhibta ay wajihi doonaan xukuumadda Abiye ee qowmiyadda ku shaabadeysan.

Soomaalida iyo kaalinteeda

Walow sharciyan dowladda FS ay tahay unug matala qarannimadii haddana waxa jira in aysan haysan tayo iyo tabarba tiirarkii salka u dhigi lahaa qarannimadeeda. Waqti siin mayo sharaxaadda arrintan balse dhacdadan badda ee soo taxnayd muddo aad u dheer iyo in aysan jirin qorshayaal ay ka dagsatay in ay kaga hortagto dhago ku hadalkii dhowrkii sano ee la soo dhaafay Abiye ku hadaaqayay ayaa tusaale noogu filan. Maahmaah ayaa ahayd “Doqonta usha agteeda ku dhufo, hadday diiri weyddana korkeeda ku dildillaaci” Abiye taas buu isticmaalay.

Kala qoqobnaanta, maamulladan saldanaha madaxa bannaan isku arka, qabyaaladda lagu burburinayo qarannimada, kooxaha argagaxisada iyo hay’ado ama dowlado u taagan majaxaabinta inta soomaali ka hartay ayaa xuddun u ah wax taagan maanta.

Nin baa laga sheegay “Duq dhurwaa in ay igu cido curradkeygaa i baday” wax walba oo soomaali mudato waa danbi ay galeen intii hoggaanka sheeganaysay. Maanta dunida la joogo cagtaa la isa saarayaa, waxa looga gudbi karaa midnimo iyo wadajir. Taasi waxa ay iman kartaa oo kaliya marka kor looga kaco mowjadaha aragtida gaaban ee hadda laga wada  hadlo, loona jeesto danta ummaddnimo iyo midda qarannimo.

Waa in loo midoobaa damacan Itoobiya. Waa in la ogaadaa maamul iyo qabiil bixin kara dhul iyo bad Soomaaliyeed in uusan jirin. Tani ma ahan mid dad gaar ah lagu beegsanayo ee waa mid lagu ilaalinayo jiritaanka cunsurka Soomaalinimo, jiritaanka soomaali mid ah, walaalo ah, oo siman.  Taasi waxa ay dan ugu jirtaa ruux walboo Soomaali ah.

Gunaanad;

Adduunku maanta waa uu dhaafay xilligii sharciyo iyo qaanuun la isku daliishan jiray, si aad u badbaadid waa in aad quwad leedahay, midnimo jirtaa amase saaxiibo dhabarka kaa istaaga. Intiiba Soomaali ma lahan, waxaa dheer in cadowgii dhexda u fadhiyo. Haddaba haddii Soomaali rabto in ay ka samatabaxdo waxa jira waa in shacabku u istaagaa midnimadooda, qabyaaladda iyo danaha shaqsiga ahna ogaataa in ay yihiin meesha ay fadhiyaan waxa dhigay. Maamullada iyo dowladda dhexe waa in ay la yimaadaan isku duubni, taas ayaa u horseedi doonta in magac uga haro dunidan qarka ka sii laalaada.

Waxaan kusoo gabagabeynayaa kubbaddu waxa ay la jirtaa Abiye iyo waddaduu doorto fashil ama jiritaankiisa. Haddii Soomaali ka dhabbeyso in ay ilaashato jiritaankeeda waxaa cad in ay soo dadajineyso guuldarrada Abiye. Haddiise uu is garto, farahana kala baxo dhulka iyo badda soomaaliyeed, soomaalina saaxiibo ka dhigto waxaa cad in Itoobiya gacanta Oromo ku jiri doonto boqolaalka sano ee soo socda.