U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Taageertay Go’aanka ICJ ee Ka Dhanka ah Israa’iil

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa taageertay go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Cadaaladda ICJ ee ku aadan dacwaddii dowladda Koonfur Afrika ay ka guudbisay Xasuuqa Israel ay ka wado marinka Gaza, maxkamadda ayaa hore u sheegtay in ay awood u leedahay in ay baarto waxa ka socda dhulka Falastiin.

Qoraal lagu daabacay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dowladdu ay go’aanka kasoo baxay maxkmadda waxaana kamid ahaa ”Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kal iyo laab ah u taageertay go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ)” ayaa lagu yiri.

Qoraalka ayaa waxa sidoo kale lagu xusay in muhiim ay tahay joojinta falalka foosha xu nee ka dhacaya marinka Qasa” Soomaaliya waxay u taagan tahay inay dalbato in si degdeg ah loo fuliyo tallaabooyin ku-meel-gaar ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda iyo fayo-qabka Falastiiniyiinta” ayaa la siiraaciyay bayaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhanka cadeysay muhiimadda ay leedahay in la helo xabadjoojin, oo lagu badbaadinayo shacabka” Soomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa baahida degdegga ah ee xabbad-joojin degdeg ah Gaza si looga hortago khasaare kale oo naf rayid ah oo aan waxba galabsan” ayaa lagu xusay.

Gabagabadii bayaanka dowladda ayaa lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa garab istaagga ay la leedahay shacabka Falastiin, waxayna sii wadi doontaa u doodista nabadda, caddaaladda, iyo xaqiijinta xuquuqdooda aasaasiga ah ee masraxayda caalamiga ah”

Dowladda Soomaaliya ayaa bayaanka kasoo baxay waxa uu kusoo aadayaa xilli maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday in muhiim ay tahay in la helo xabadjoojin, kadib dacwadii ay gudbisay dowladda South Afrika ee ka dhanka aheyd xasuuqa Israel ay ka wado marin Qasa oo lagu dilay kummanaan Falastiin ah.