U bood dhigaalka

The Hague: ICJ oo soo saartay Go’aan ka dhan ah Israel, kuna baaqday Joojinta Howlgallada Gaza

Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan kasoo saartay dacwad dhowaan dowladda Koonfur Afrika ay ka gudbisay Israel, Maxkamaddu waxaa ay sheegtay iney muhiim tahay in la ixtiraamo arrimaha banii’adanimada, waxaana Israel lagu booriyay in ay qaado tallaabo lagu joojinayo howlgallada.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay “sii wadi doonto difaacidda nafteena iyo muwaadiniinteena iyadoo ilaalinaysa sharciga caalamiga ah”. Israa’iil ayaa si adag u beenisay eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad lahayn, iyadoo la ogyahay waxa ka dhacaya marinka Qasa.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda ICJ ay tahay in la ixtiraamo dhammaan dadka aqoonsan maxkamadda oo ay ku jirto Israa’iil” Qaar ayaa nagu yiri waa inaan ka fikirno ganacsigeenna oo aynaan ku lug yeelan arrimaha dalalka kale”ayuu yiri xilli uu hadlayay.
Waxa uu sheegay Ramaphosa in go’aanka kadib ay tahay in dadaal dheeri ah la galo sidii xabad joojin loo sameyn lahaa, iyo in colaada lagu soo afjaro xal laba dowladood ah oo Falastiiniyiinta ay helaan aayo ka tashi, isaga oo yiri yiri “Israa’iil oo dimoqraadiyad isku sheegta, iyo dawlad ixtiraamaysa sharciga” ayuu yiri.

Dagaalka hadda socda Qaza ayaa billowday kaddib markii ururka Xamaas ay weerartay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay ilaa 1,300 oo qof, oo u badnaa dad rayid ah, waxayna qafaasheen 240 qof, Israel oo weerar qaaday ayaa dishay in ka badan 13,000 oo Falastiiniyiin, halka tiri kumannaan la dhaawacay.