U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Kasoo Baxay Shirka Wasaaradda Maaliyadda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada

Wasaaradaha Maaliyadda ee federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa galay shir u dhacay qaab fogaan ah, kaasi uu shir guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige.

Shirkan oo uu qabanqaabadiisa lahaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa.


Shirka u dhaxeeyay labada dhinac ayaa gabagabadii waxa laga soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan wixii looga wadahadlay, oo ugu weynaa in wadajir looga shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka, hannaan shaqo abuurka iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaale wanaagsan.