U bood dhigaalka

Mareykanka 85 Xarun u Duqeeyey si uu uga Aargoosto Duqeymihii Looga Dilay Askarta Bariga Dhexe

Mareykanka ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah oo loo geystay 85 xarumood, iyada oo lala beegsaday bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla Iran, Ciraaq iyo Suuriya , kadib markii weerar lagu dilay sedex askar oo ka tirsan ciidamada ka jooga dalka Urdun.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay uga aargudanayeen weerar diyaaradeed oo ay fuliyeen dagaalyahanno ay taageerto Iran oo Axaddii saddex askari oo Mareykan ah ku dilay xero ciidan oo ku taal Bariga dhexe, waxaana sidoo kale jiray in tiro kale oo askar ah ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan.

Maraykanku waxa uu ku celceliyay in uusan doonayn in uu khilaaf kala dhexeeyo dowladda Iran lafteeda, balse madaxweyne Joe Biden waxa uu ka digay in weeraradu ay sii socon doonaan, waxaana hadalkiisa u muuqday goodin, weerarkaan ayaa xaaladda gobolka sii shidi kara, xilli la isku hayo dagaalkka Falastiin.
Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah xarumaha taliska iyo kuwa laga maamulo ee ay kala leeyihiin ciidamada Quds Al-Ka’taa’ib, ee Iran iyo kooxo taabacsan, kuwaas oo ku sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo wali ay joogaan kooxa Islaamiyiinta ah ee ay taageerto dowladda Iran oo gacanta ku haysa.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in tiro dad ah lagu dilay laguna dhaawacay weerarka ka dhacay, halka Ciraaq la tilmaantayo weerarrada ka dhacay dalkeeda kuwo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, dowladda ayaa ka digtay weerarka uu soo qaaday Mareykanka kadib weerarkii Jorden.