U bood dhigaalka

Bin Salman iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ka hadlay Xaaladda Gaza, Xuutiyiinta iyo Qaar kale oo Gobolka ah

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaana ay kawadahadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xaaladda bariga dhexe.

Kulanka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Blinken iyo Maxamed Bin Salman ayaa qaatay muddo laba saacadood ah, sida uu sheegay afhayeen wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana lagu gorfeeyay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen muqstaqbalka fog.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa lagu falanqeeyay arrimaha xaaladda Qasa, Antony Blinken ayaa sheegay in muhiimad gaar aha y leedahay waxkaqabashada baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Gaza iyo in laga hortago in colaadda ay kusii baahdo gobolka Bariga dhexe.


Bilinken ayaa u tagay Bariga Dhexe sidi uu u riixi lahaa heshiis uu wax ka dhex-dhexaadinayo Mareykanka oo la rabo in lakala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, qorshaha dib u dhiska Gaza, xilli burbur xooggan uu soo gaaray magaalada, Israel ayaa sheegtay in ay sii wadi doono.

Dagaalka iyo duqeynta ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa tan iyo October lagu dilay in ka badan 28,000 oo u badan dumar iyo carruur, sida ay sheegeen ilaha caafimaadka iyo warbaahinta, Israel ayaa ayaa dhankeeda askar iyo shacab ku waysay dagaalka ka socda Qasa.