U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Madaxweynaha Uganda?

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow, oo safar ku jooga dalka Uganda uu shir ugu qeyb galayay.


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taageerada dhanka la dagaalanka Al-shabaab.


Taliyaha ayaa madaxweynaha la wadaagay sida dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Argag Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay in ciidanka dowladda Uganda ay qaataan door ku aadan dagaalka ka hor bixitaankooda December.


Madaxweynaha uganda ayaa Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya u balanqaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan laheed dhismo ciidan iyo tababarro joogta ah, iyo in Soomaaliya garab milateri ay siin doonaan si dalka Soomaaliya.


Dowladda Uganda ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka qaadanaya howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika, waxaana dowladdu qoysheyne in ammaanka dalka ay la wareegto ka hor December 2024.