U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuroyadda Federalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan golaha iyo howlaha horyaallo, xilli maalmahaan ay socotaay dooda arrimaha Dastuurka oo goluha

Guddoomiyaha ayaa guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka jiray intii uu ahaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS. Sidoo kale kulanka waxaa lagu ajandeyay kulamada soo socda iyo shuruucda ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.