U bood dhigaalka

SOMDA iyo Ganacsatada oo isku Afgartay Furidda Sanduuqaha Dhaqaalaha Gargaarka Degdegga ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xaruunta hay’adda, kaas oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan madaxda ganacsatada dalka oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Cali Gabeyre iyo Guddoomiyaha Midowga Bankiyada dalka iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira gargaarka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd furidda sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo gargaarka deg-degga ah, si looga hor tago daadad ka dhasha roobabka Guga kuwaas oo sababi kara qasaaro kala duwan, xilli dalka uu wali kasoo kabanayo dhibaatadii ka dhalatay musiibadii El-Nino, taas oo raadadkeeda ilaa iyo hadda laga dareemayo deegaannada Hirsabeelle Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Dhinacyadu waxa ay isku raaceen muhiimadda uu xilligaan leeyahay furidda sanduuqan, halka la go’aamiyay in Percentage gaar ah Hay’adda SoDMA looga qoodeeyo lacagaha ka soo xarooda badeecadaha dalka ka baxa iyo kuwa soo gala, in sakada oo dhan lagu shubo sanduuqa si xaaladaha bani’aadannimo wax looga qabto, in ladhiso guddi maamula hantida kusoo dhacda sanduuqaas iyo in SoDMA maamusho shaqada guddiga oo ganacsatada iyo Hay’adda ay wada qabanayaan.

Kulanka ayaa Sidoo kale lagu soo bandhigay khasaara kala duwan kuwaas oo ay sababeen Fatahaadihi El-Niñada ee gobollada qaar ka dhacay dhammaadkii 2023 iyo sida looga jawaabay. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay daadad xooggan oo kala jaray waddada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose oo dadad ku dhufteen dhowaan.

Ugu dambeyn, dhammaan ganacsatadu waxa ay soo wada dhaweeyeen furidda sanduuq dhaqaale iyaga oo ballan qaaday in ay garab taganyihiin hay’adda SoDMA, iyo sidii loo caawimi lahaa shacabka Soomaaliyeed ee xilligaan adag ku jira, Roobka Gu’ga ayaa la filayaa bilaha April iyo May ee sanadkaan sida la saadaaliyo isbedelka Cimilada ayaa keeni kara roobab daadad wata.