U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Anisixiyay Heshiiska Ku Biirista Bariga Afrika iyo Hinse-sharciyeedka Ilaalinta Deegaanka

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 17aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ayaa maanta oo Sabti ah waxaa shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadirtay 150 Xildhibaan.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa.

1) Warbixinta Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

2)Warbixinta Iyo Ansixinta Hindise-sharciyeedka Ilaalin Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka Si loo waafajiyo qodobka 82aad Faqradiisa 4aad ee Datuurka KMG.

3)Ansixinta Heshiiska Ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

A)Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Shargiyeeska Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedyada kala ah.

1. Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

Ansixin149 Xildhibaan diiday 1 xildhibaan wax ka aamusay majiro.

2. Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka Ansixin 150 Xildhibaan wax diiday majiro wax ka aamusayna majiro

3.Heshiiska Ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika Ansixin 148 Xildhibaan ‘diiday 1 Xildhibaan aamus 1 Xildhibaan.

Ugdanbeeyn Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka asigoona sheegay in ay ansax yahiin’Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

“Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka “Heshiiska Ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.