U bood dhigaalka

Addis Ababa: Midowga Afrika oo Iskuraacay Iney Xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Lamataabtaan Yihiin

Shir-madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo labadi maalin ee la soo dhaafay lagu kulansanaa meertadiisa 37-aad oo ka dhacayay xaruntooda magaalada Addis Ababa ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda Afrika.

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa kamid ahaa qodobo si gaar ah looga hadlay Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka gurracan ee Ethiopia ee heshiis is-afgaradka ee Somaliland.

Waxaa lagu bogaadiyey hoggaanka wanaagsan ee Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Midowga Afrika warmurtiyeedka uu soo saaray ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo (Soomaaliland) 1-dii January 2024.

AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa Al-shabaab iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray. AU waxay ku ammaantay UN, EU, UK, US iyo saaxiibada kale taageeradooda dhaqaale iyo saadka ee joogtada ah ee ATMIS.