U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay Heshiiska Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Kulanka marka uu furmay waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaano gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka bedel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada golle si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaanada ah in ajandaha kulanka wax laga badalo.

Madaxweynaha oo la hadlay mudanayaasha Labada Aqal ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo guulaha ay dowladu ku talaabsatay, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Khudbada Madaxweynaha ka dib, mudanayaasha Labada Aqal guda galeen kulanka caadiga ah ee labada aqal, ayaa waxaa Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga Wasiirka difaaca dalka Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ilaalinta, midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa nadiiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan uu ansax yahay.

Wasiirka Wasaradda Difaaca Dalka Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur (Jaamac) uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hooyatay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu muhiim u yahay difaaca badda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in heshiiskan maanta laga bilaabo uu sharci yahay, waxaana loo gudbin doonaa madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u sixiixo heshiiskaan ayaa ah mid u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo quseeya ilaalinta badda Soomalaiya iyo hawada inta laga dhisayo ciidanka badda iyo cirka Soomaaliya.