U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Dhageysatay Kiiska Eedeysane Seyid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhageysiga garmaqalka 1-aad ee gal dacwadeed ciqaabta ee namabarkiisu yahay 147/2024 kaas oo eedeysane ka yahay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamad.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud ayaa eedeysanaha u akhriyey eedda uu xafiiska xeer ilaaliyaha ee Qaranka ku soo eedeeyay eedeysanaha.

Intaas kadib xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamaddu ka codsaday in laga aqbalo wax ka bedel uu ki soo sameeyay eedda si waafaqsan qod.111 XHC, iyadoo Qareenadda u doodayey eedeysanaha ay diideen wax ka bedelka eedda, wexeyna eedda ka keeneen is hor-istaag ku saabsan qodobada eedda.

Maxkamadda ayaa ka jawaabtay is-hortaagaas wexeyna diiday is hor-istaaga qareenadda ay keeneen waxayna aqbashay jawaabta uu ka bixiyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxayna fartay in xafiiska xeer ilaaliyaha uu gudagalo soo bandhigista cadeymaha si waafaqsan qod.114 XHC.

Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda hor keenay baaraha kiiskan iyo marqaatiyaal waxaana su’aalo weydiiyay dhinacyada dacwada iyo Maxkamadda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo xiray fadhigga Maxkamada asiga oo faray labada dhinac in dhinacyadu fadhiga xiga keenaan dhammaan cadeymaha ay heestaan.