U bood dhigaalka

Muqdisho: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Bilowday Dhageysiga Dacwadda Ninkii Xaaskiisa Gubay

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah u fariisatay dhageysiga galdacwadeedka loo heysto eedeysane Sayid Cali Maxamed Daauud oo 26-kii January 2024 Xaaskiisa Luul Cabdicasiis oo Xaamilo ah dil ugu geystay magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa weli ku jirta isbitaalka Digfeer kadib markii ehellada ay diideen in la aaso kahor inta aan go’aan laga gaarin.

Eedeysanaha ayaa kasoo hor muuqday maxkamadda iyada oo la diiday ishor istaag ay sameeyeen qareennadiisa, waxaa kale oo la akhriyay eedaha loo heysto oo ah dilka xaaskiisa.

Kiiskan ayaa noqday mid aad looga hadalhayo gudaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in taasi ay horseedo soo dedejinta dacwada iyo ka go’aan gaariska kiiska.