U bood dhigaalka

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo  Maanta u Dabaaldegaya Sanad Guuradii 54-aad

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 54-guuradii kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay sanad 1970-kii, isagoo ka mid yahay Ciidamada xoogga Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Xabsiyada Dalka, halkaas oo ah goob lagu hayo maxaabiista la xiro.

Ciidanka ayaa munaasabad weyn ku leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaana lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan madax kale duwan, taliska ciidanka Asluubta ayaa 10-kii sano eek u dambeeyay waxaa kordhayay tiradooda iyo tayadooda ciidanba, waxaana siweyn ay uga muuqdaan ciidanka.

Waxaa la hirgeliyay xabsiyo loogu talo galay in dadka lagu hayo kuwaas oo ku yaalla Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka dalka, ciidankaan ayaa tiro ahaan u kobcay sidoo kale, Taliyaha ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa u hambalyeeyay ciidanka Asluubta meel walba ay joogaan.

“Waxaan u Hambalyeenayaan Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Sareeyaasha, Sarakiisha, Sarakiil Xigeenada, Alif leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurta Dal iyo Dibad meelkasta oo ay Dunida ka jogaan” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay.

Allah unaxariistee General Ismaaciil Axmed ismaaciil  ayaa ahaa taliyihii ugu horeeyay ee markii la dhisay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa Maalinta Ciidda inuu cafis uga dalbi jiray mar kasta Maxaabiista kuwooda Dambiyada Fudud masuuliyiintii dowlda, waxaana uu ahaa shakhsi firficoon.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u dabaaldegaya 54-guuradii kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay sanad 1970-kii ayaa waxaa hadda taliye u ah General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo markii labaad xilkaan loo magacaabay, waxaana uu wax badan ka qabtay ciidanka tiro iyo tayeyntooda intaba.