U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo Hindiga Uga Qeybgalay Shir Caalami ah iyo Kulamo

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Cabdi Warsame ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024, shirkan oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood ayaa la isku dhaafsadaa tababbarada iyo khibradaha Ciidanka Badda.

Taliye  Admiral Cabdi Warsame  ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay ka wada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda, xilli dowladda Soomaaliyeed ay ku gudojirto dhismaha iyo tayeynta ciidanka badda ooh adda soconeysa.

Taliyaha safarkiisa Hindiya ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya ay heshiis dhanka ilaalada badda iyo dhaqaalaheeda ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo socon doona muddo 10 sano ah, inta laga dhisayo ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya.