U bood dhigaalka

Akhriso:Ajandaha Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino, kuwaas oo saameyn badan ku yeeshay deegaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Dowladda Hirshabeelle iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.