U bood dhigaalka

Qaahira: Madaxweyneyaasha Eritrea iyo Masar oo ka hadlay arrimo ka mid Ixtiraamidda Qarannimada Soomalaiya

Madaxweynaha Eritrea Isaiah Afewerki ayaa sabtidii booqasho rasmi oo 3 maalin ah ku gaaray caasimadda Masar ee Qaahira kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Isaiah Afewerki iyo Cabdifitaax Alsisi ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan Xiriirka labada dal iyo xaaladaha dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha wadanka Eritrea Isaiah Afewerki iyo SiSi oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ixtiraamidda midnimada, bedqabka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliya arrintan oo jawaab u ah heshiiska Adis Ababa iyo Hargeisa.

Xaaladda gobolka ayaa kacsaneyd tan iyo markii uu soo baxay heshiiska Somaliland ay la gashay Itoobiya, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay ka hortimaado arrintaasi, madaxweyne Xasan ayaa safar ku tagay dalalka Masar iyo Eritrea, waxaana uu la kulmay madaxda dalkaasi iyagoo taageero u muujiyay.


Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka difaaca ah iyo tabaris waxaa ay la sixiixatay dowladda Turkiga, waxaana biyaha Soomaaliya kusoo wajahan Maraakiib dagaal oo ilaalinaya bilayaha Soomaaliya, ciidanka badda Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso muddo 10 sano ah oo inta heshiiska uu socdo ah.