U bood dhigaalka

Shirweynaha Maamullada iyo Degmooyinka Hirshabeelle oo Jowhar Maanta Ka Furmay

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle, Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan doodo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shirka furay ayaa yiri “7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowlad goboleedka Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.”

Hirshabeelle ayaa muddooyinkii ugu dambeysay wajahaysay xaalad dhanka siyaasadda ah oo la isku diidanaa arrimaha qaar, waxaana hadda sidoo kale jirta in wadashaqeyn aysan ka dhaxeyn buuxda labada gobolka ee Hirshabeelle ka kooban tahay ee Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.