U bood dhigaalka

Wasiir Fardowso Cigaal “Talaabadii koowaad ee Lagu Ilaalinaayey Badqabka Duulimaadyada Waan Qaadnay”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo ka qeybgalaysay dood ka socotay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya sharciyd buuxda u leedahay maamulka hawadeeda, ayna jirin cidkale oo la maamusha Hawada dalka.

Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay in maamulka Somaliland ay raadeerkii loogu talagalay inay kula hadlaan diyaaradaha magaalada Hargeysa imaanaya ku carqaladeyeen hawada gobollada Waqooyiga, taas oo keentay in dowladdu ay qaato tallaabo lagu xakameynayo guud ahaa hawada dalka dib loosoo celiyay.

“Hargeysa awalba waan wada shaqeyn jirnay, hadda waxaa miiska saarnaa inay heshiisyo naga codsanayeen, haday jiraan waxay ka cabanayaan diyaar baan u nahay xalkeeda, Talaabadii koowaad ee lagu ilaalinaayey badqabka duulimaadyada isticmaala hawada dalkeena waan qaadnay”ayay tiri wasiirka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawad XFS ayaa dhanka kale sheegtay in hawada Soomaaliya tahay mid kamid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Afrika, iyadoo tilmaantay in airspace Soomaaliya boqolkiiba 60 yahay dhanka badda halka 40-ka kale yahay Bariga, xilli dowladdu sheegtay in la keenay qalab casri ah.

“Diyaaradaha ka dagaya magaalooyinka waawayn ee dalka oo ay ku jirta Hargeysa waa xaquuqa annaga siinay, maadaama aanahay dal soo korayo dhaqaale ahaan iyo in la fududeeyo isku socodka dadka ayaa keentay taasi, hadii aan rabnana Caasimadda ayaan ku ekeen karnaa” ayey siiraacisay hadalkeeda.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa dhankiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la isla dhaxmarayay baraha bulshada ee ku aadanaa inay aad isugu dhawaadeen diyaaradaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines xilli ay marayeen hawada dalka.