U bood dhigaalka

Maxuu Ahaa Ajandaha ay Ka Wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda,

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka,

Guddoomiyuhu waxaana uu xusay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.