U bood dhigaalka

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya Ku Heshiiyay Tayeynta Waxbarashada Dalka.

Sheeko:Waxbarashada

Kulan u dhaxeeyay wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Faarax Sheekh Cabdulkadir iyo madax hey’adda US-AID ee Soomaaliya marwo Nouane Duncan-Jones ayaa looga hadlay sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya uga gacansiin lahaa teyenta waxbarashada.


Wasiir Faarax ayaa uga mahadceliyay hey’adda gargaarka Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo xilligaan ku jira soo kabasho, isaga oo raaciyay in muhiim ay tahay in laga wadashaqeeyo sidii looga gudbi lahaa xilligaan caqabadaha adage e hortaagan in la helo waxbarasho tayo sare leh oo caalamka la jaanqaada.


Madax US-AID Nouane Duncan-Jones ayaa dhankeeda faahfaahisay u jeedka mashuuca Bar ama Baro, waxaana ay tiri “ Si aan u xaqiijino ballan qaadkeenna wadajirka ah ee horumarinta waxbarashada gabdhaha, wiilasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Iyada oo loo marayo mashaariicda Bar ama Baro (BAB),Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES).

Mashruucaan ayaa goobaha uu ka hirgallayo waxaa qeyb ka ah deegaannada dhowaan la xoreeyay, kuwaas oo intooda badan dowladdu ay geysay manhajka waxbarashada dalka’ xilli laga hirgeliyay Schoollo, Tan iyo markii wasaaraddaloo dhiibay wasiir Faarax waxaa siweyn loogu amaanay inuu qaaday tallaabo hormar leh, kuwaas ka muuqda tacliinta.

Halkaan ka eeg warsaxaafadeedka