U bood dhigaalka

Heerka Olalaha Dowladda Soomaaliya ee ay Xildhibaan Fowsiyo kula Dooneyso Kursiga Midowga Afrika

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dadaalo aan kala go’ lahayn iyo olole ugu jirta sidii ay ku hanan laheyd kursiga guddoomiyaha guddiga Ururka Midowga Afrika oo ay u taagan tahay wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Soomaaliya oo ka tirsan bahda bariga iyo geeska Afrika ayaa waxaa tartan adag kula jira dowladda Kenya uu u sharaxan yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Kenya ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka dalkaasi Raila Odinga, waxaana lagu wadaa inuu halkaas ka dhaco tartan adag oo u dhaxeeya dhinacyada.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad oo wareysi gaar ah siisay wargeyska the Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa tiri” Waxaan u hayaa jacayl qoto dheer iyo rabitaan xooggan oo ah inaan ka qayb qaato horumarka Afrika”

Marwo Fowziga oo la weydiiyay haddii ay kursiga ku guuleysto shaqadeeda ugu horeysa ay wax ka qaban doonto ayaa hadalkeeda sii raacisay ” Waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa qaarad midaysan”

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay garab istaagi doonto galangal badana ay u gali doonto sidii marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay ku noqon laheyd guuleystaha kursiga, Soomaaliya ayaa hadda dib ugu soo laabanaysa saaxada caalamka looga arrimiyo.

“Kadib guulo diblumaasiyadeed oo muhiim ah sida qaadista cunaqabateynta hubka, cafinta deymaha, iyo ku biirista EAC, Soomaaliya hadda waxay meel fiican u mareysaa inay kaalin weyn ka qaadato caalamka,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweis Jaamac oo ka hadlay shaacinta.

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya markale uu madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh 15 -kii May 2022, dowladda ayaa gaartay hormarro waaweyn iyo guulo, iyadoo Deynta laga cafiyay, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Kubiirista bulshada Afka iyo Kursiga African Union