U bood dhigaalka

Wax ka Ogow Shaqada Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khamiistii daahfuray ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya, taas oo noqonaysa madal lagu karkariyo aragtiyaha, loogana doodayo afkaaro horumarinaya hannaanka dowladnimo ee casriga ah.

Arrintan noqoneysa natiijada shirkii October 16, 2023, kaas oo ahaa aqoon isweydaarsi ay xukuummadda Soomaaliya u qabatay golaha wasiiradda, agaasimayaasha wasaaradaha iyo ganacsatada, ayna marti u ahaayeen madasha horumariyaha Idris Jala ee u dhashay dalka Maleysia.

Sida ilo kala duwan xaqiijinayaan, waxaa lagu wadaa in xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa khubarada ardaagan cusub ay dhaqangeliso isbadallo degdeg ah, iyada oo la faray wasaaradaha in ay ku shaqeyn doonaan qaab Dijital ah, oo daahfuran, yool cad, isla markaana la adkeyn doono waxqabadka, wax soo saarka iyo tayeynta shaqada iyo shaqaalaha si natiijada ay u noqoto horumar.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay daahfurka ardaaga ayaa sheegay in la joogo waqtiga isbadalka, oo ay tahay in lala qabsado, lana dhaqangeliyo sida ugu dhaqsaha badan.

Xaruntan arrimaha ay xilsaarantahay waxaa ka mid ah; in Wasaarad kasta oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya lagula xisaabtano hiigsi iyo halbeegyo ay soo gudbisay, waxaana la hoosgeeyay ciwaanka weyn ee “Hiigsiga Horumarka Qaranka”.

Hiigsiga waxaa kasii hoos baxaya, waxa loo yaqaanno Hiigsiga Wasaaradda (Strategic Objectives), tan xigta waa halbeegyada Wasaaradda(Activities), Waqtiyeysan, la ogyahay halka lacagta laga helayo iyo cidda ay tahay in lagula xisaabtamo ama wax laga weydiiyo.

Mashruucani waxaa uu horseeday in Wasaarad kasta ay soo gudbisay goorta ay fulineyso howsha, iyada oo sanadkan loo qeybiyay saddex quarter, waxaa kale oo laga rabaa in ay sheegto qarashka ku baxaya iyo cidda bixineysa, iyada qofka mas’uulka ka ah fulinta, oo lagu dabagalayo.

Arrimaha kale ee ardaaga qaban doono waxaa ka mid ah curinta fikaro horumarineed oo dowladda ah, in loo tartamo jagooyinka iyo arrimo kale. Waxaa kale oo ardaagu qaban doonaa latalin iyada oo ay ka shaqeyn doonaan khubaro lagu soo tababaray Malaysia oo ka socday Wasaaradaha iyo qeybaha bulshada rayidka, waxaa ay qeyb ka noqon doonaan dhammaan howlaha dowlad dhiska.

Isbadalladan dowladda ay soo kordhisay ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyada oo dowladda Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka, laga cafiyay deyntii, laguna barbar wado in ciidamada ATMIS ay baxaan, oo amniga dalka ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya.