U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hey’adda Interpeace oo Heshiis Kala Sixiixday

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo  Hey’adda Interpeace ayaa maanta kala saxiixday isafgarad istaraatiiji ah oo la xiriira nabad-dhiska, iyada ay heshiisku ay saxiixeen wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Itonde Kakoma oo ah madaxweynaha Interpeace.

Heshiiskan oo la xiriira horumarinta Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran ayaa waxaa  qeyb ka ah howlaha kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada, wada noolaashiyaha, sookabashada iyo guud ahaan arrimaha dib u heshiisiinta. Labada dhinac ayaa lagu wadaa in iskaashaadaan awoodsiinta bulshada qeybaheeda iyo hey’adaha dowladda ee kashaqeeya arrimaha nabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay waxa uu ka dhigan yahay isafgaradkan “ Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan aan la yeelaneyno Interpeace, oo ah suurogelinta bey’ad ku habboon nabadda iyada oo laga duulayo tiirarka hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, taas oo muhiim u ah Xasillinta Soomaaliya”.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpeace Itonde Kakoma ayaa ka hadlay ahmiyadda heshiiska “Iskaashigan waa tallaabo muhiim ah loo qaaday ballanqaadyadeenna ku aaddan Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran.