U bood dhigaalka

Masar: Israel iyo Xamaas oo Wadaxaajoog U Furmay iyo Mareykanka oo Xabadjoojin Kashaqeynaya

Sheeko:Caalamka

Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa dib uga furmay wada-xaajoodyo u dhaxeeya Israa’il iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin ka dhaqan gasha magaalada Gaza, loona soo daayana la heystayaasha, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka xilli uu warbaahinta la hadlayay.

Xabadjoojintaan ayaa waxaa la filayaa in la gaaro Lix Todobaad si loo siidaayo laheystayaasha jilacsan ee gacanta ugu jira Xamas bishii 5-aad” Hadda Kubaddu waxaa ay taallaa dhnacaas iyo Xamaas waxaan isku dayi doonaa waana siiwadi doonaa inaan kuriixno sida ugu adag uguna macquulsanarrintaas” ayuu yiri.

Sarkaalkaan ayaa diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta maadama uusan fasax u heysan inuu ka hadlo arrintaan, Xabadjoojinta muddada ah ayaa marinka magaalada Gaza u ogolaan doontaa in gargaar Bani’aadannimo la gaarsiiyo, xilli dhowaan waqooyinga Gaza lagu laayay Falastiiniyiin gargaar u safnaa.

Xamaas dhankeeda ma aysan diidin Xabadjoojin dagaalka dhammaantiisa lagu soo afjarayo, xilli dhowr jeer soo jeedin Xabadjoojin Qaramada Midoobey uu Mareykanku diidmada qayaxan dul saaray fadhiga golaha ammaanka” Ma doonayo inaan abuuro rajo hal dhinac ah ama dhinaca kale ah” ayuu siiraaciyay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in subaxnimadii saakay oo Axadda sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas in Xabadjoojin ay suurtogal ay tahay 24-ka iyo 48-ka saac ee soo socota, haddii Srael ay ogolaato dhankeeda, Falastiiniyiinta ayaa dalbanaya in dadka ka barakacay Waqooyiga ay soo laabtaan.
Wadaxaajoodkaan ka bilowday Masar ayaa imaanaya xilli hoggaanka dalka Mareykanka ay wajahayaan cadaadis gudaha ah, xilli ay soo dhowyihiin doorashooyinka, madaxweyne Biden ayaa doorashooyinka aad uga walwalsan iyo saameynta xisbiga Jamhuuriga, Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 23,000