U bood dhigaalka

Maanta oo Loo Madalsan yahay Ku dhawaaqista Soomaaliya ee Kubiirista Suuqa Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo in si rasmi ah ay ugu biirtay suuqa xorta ah ee bulshada Bariga Afrika, (EAC), taas oo loo ogolaaday sanadkii 2023 ku biiristeeda Soomaaliya ayaa soo gaartay bar dhammaadkeedii ugu dambeeyay.


Soomaaliya ayaa ku biiraysa daladdaan oo ay ku midaysan yihiin suuq ka dhaxeeya dalalka Kenya, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania oo Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka 8-aad ee xubin kamid ah ururkan (EAC).

Kudhawaaqista in Soomalaiya manta ay sirasmi ah ugu biirto ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib shir Jimcihii dalalka ku jira dalladdaan ay isugu yimaadeen meertadii 23-aad ayaa lagu go’aamiyay in Soomalaiya lagu dhawaaqo in si rasmi ah ay ugu biirtay Bariga Afrika.

Dowladda Soomaalia ayaa hore u sheegtay in suuqaan muhiimad badan u leeyahay dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu tilmaamo kuwa aad ganacsiga ugu dhuun duleela, dowladda ayaa arrintaan soo waday tan iyo markii xilka loo doortay madaxweyne 15-kii May 2023.


Sanadkii 2023 ayaa sanad guuleed u ahaa dowladda Soomaaliya markaas oo la shaaciyay in ay ku guuleysatay in ay xubin ka noqotay suuqa bulshada bariga Afrika, waxaana sidoo kale jirta dowladda Soomaaliya ay musharax u tahay kursiga guddoonka Midowga Afrika 2024.