U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wadahadlay Iskaadhiga Arrimaha Difaaca

Sheeko:War

Wasiir ku xigenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah.

Kulanka labada mas’uul ayaa qayb ka ahaa in ka badan 70 dowladood oo lagu marti qaaday shir sanadeedka bandhigga difaaca badaha caalamiga ah ee Dooxa (DIMDEX 2024) oo la qabtay sanadkii siddeedaad, heshiiskaan ayaa imaanaya xilli dowladdu ay heshiisyo kala duwan ay la kala gashay

Wasiir ku xigenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah ayaa ka wada hadlay arrimo quseeya difaaca dalka iyo xoojinta xiriirka 2-da dal.

Iskaashiga dhanka difaaca ah ee dowladda Soomaaliya ay la galeyso Qatar ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli dowladdu hore heshiiyo dhanka difaaca ah ay la gashay dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kamid ah dowladaha sida gaarka ah u taageera Soomaaliya oo xilligaan soo kabasho ku jirta.

Dowladda Qatar ayaa waxaa lagu xasuustaa in dowladda Soomaaliyeed ay siisay mashruuca dhismaha wadooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ooh adda bushada waxtarweyn u leh marka la eego isku xirka caasimadda iyo labada gobo lee dariska la ah oo dhibaato lagu qabay isku socodkooda.