U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale: “Police militaire” oo Ramadaanka Sugi doona Amniga Caasimadda Muqdisho

Ciidamada gaarka ah ee “police militaire” ayaa lagu wadaa in ay bisha barakeysan ee Ramadaan sugaan amniga caasimadda ee Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay ammaanka caasimadda gacanta ku hayaan ciidanku.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay waxqabadka Ciidanka Booliiso Milatariyo, asigoona faray in loo diyaar-garowo sugidda amniga caasimadda Bisha Ramadaan oo maalmo qura ay naga xigaan bilashadeeda.

Guddoomiye Madaale ayaa tilmamay in go’aanka askartan lagu wareejiuay amaanka uu ahaa mid aad looga cabsi qabay in ay dhibaato ka timaado, maadaama ay Milatari yihiin, laakiin uu sheegay in ay kusoo baxeen si ka duwan sidii la filayay, waxaana uu tilmaamay in sanad kadib Boliiso Milataariyo la mahdiyay.

“Milatari in magaalada lasoo dhexyaaciyo oo hadda xuufxuuftooda iyo Cabidibilayaashooda aan ka nabadgeli la’nahay sidee loola jaanqaadaa ayaan islaheyn, laakiin wixii laga filaayay iyo walwalkii laga qabay ayey daaweeyeen sanadkoodii halbil ayaa ka dhiman” ayuu yiri guddoomiye Madaale oo hadlay.

Ciidanka Booliiso Milatariyo ayaa Ramadaankii lasoo dhaafay 2023 lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho xilligaan oo degmooyinka qaar ee magaalada looga caalwaayey dhaca dadka, dhibaatada ay geysan jireen Ciyaalweerada, waxaana durba ay bilaabeen sidii loo xalin lahaa dhitaadadaas iyagoo amniga soo celiyay.
“Ramadaanka aakhirkiisii ayey kusoo biireen sugidda ammaanka caasimadda, waa markii ay shacab aan kula afurnay xaafadda Janhuuriya ay yiraahdeen iyagoo cabanaya masaajidadii waan aadi kariweynay, lajoogista aan idinla joognana waan ku eedeysanahay” ayuu yiri madaale oo cabiyay xaaladdii jirtay.

Ciidanka Boliiso Milatari ayaa hadda siweyn ula shaqeeya shacabka iyagoo badalay ammaanka iyo wajigii caasimadda dalka, dagmooyinkii cabanayay sanad ka hor waa kuwa hadda joogto ay u booqdaanayaan mas’uuliyiin kale duwan, dowladda ayaa sheegtay in Tayada iyo tirade ciidankaan aad loo kordhin doono.