U bood dhigaalka

Shirkaweynaha Culimada Salafiga Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Furmay

Shirweynaha Culimada dacwada Salafiga  Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin kale duwan oo ka socda Culimaa’diinka, dowladda iyo qeybaha kaleee bulshada.

Shirka ayuu ujeedkiisu yahay gudashada waajibaadka Diiniga ah ee Culimada ka saaran dalka, dadka iyo Diinta ayadoo loo maraya cadeynta xaqa iyo naseexeenta Bulshada iyo cadeynta mowqifka Culimada Salafiga ee ku aaddan marxaladda dalku marayo.

Shirka ayaa sidoo kale lagu faaqidi doonaa dardar-gelinta arrimaha dacwada iyo dhabbaha bulshada loogu gudbinayo, xoojinta wada hadallada Culimada oo muhiim u ah iska warqabka iyo isku xirnaanta marxaladda hadda uu dalka ku jiro,

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa sidoo kale laga hadlayaa adkeynta mowqifka saxda ah ee laga qaatay fikirka xagjirka  iyo qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab oo xilligaan dowladda kala soo horjeedo dagaal adag oo looga saare meelo badan.

Muhiimadda ugu wayn ee shirka ayaa ah ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya iyo garab istaagga mowqifka dowladda ay ka qaadatay damacaas, waxaana lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo Ra’iisulwasaaraha xukuumadda dalka.