U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Socday Hey’adaha Socdaalka IGAD oo Tababar Ugu Soo Idlaaday Tanzania

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa magaalada Moshi ee dalka Tanzania ugu soo gabagaboobay tabarbar ku saabsanaa Socdaalka iyo Maamulka Xudduudaha.

Tababarkaan oo socday muddo toddobaad ah, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Urur Goboleedka IGAD, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan oo kale socotay dalalka u mideysan urur goboleedka IGAD.

Saraakiisha HSJ ee ka qeybgalay tababarkaan ayaa waxay ku qaateen casharro ku saabsan sida looga hortago danbiyada abaabulan ee tahriibka iyo sida ay dowladaha xubnaha ka ah urur Goboleedka IGAD, isaga kaashadaan arrimaha socodaalka iyo xuduudaha.

Mudadii uu tababarka socday ayaa Saraakiisha waxaa booqasho loo geeyay bar-xuduudeedka dhulka ee u dhaxeeya Kenya iyo Tanzania (One stop border Post).